Dagaal buuxa miyuu isu beddeli doonaa iska hor imaadkii dhex maray Xisbullah iyo Israa’iil? - BBC News Somali (2024)

Dagaal buuxa miyuu isu beddeli doonaa iska hor imaadkii dhex maray Xisbullah iyo Israa’iil? - BBC News Somali (1)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sheekadeena aynu ku bilowno maqaal uu wargeyska ‘’Foreign Policy’’ cinwaan uga dhigay ‘’xaaladda u dhaxeysa Israa’iil iyo Xisbullah ma horseedi doonto doonto dagaal buuxa.’’

Qoraaga maqaalka oo la yiraahdo Cali Haashim ayaa qoraalkiisa ku bilaabay xaaladda ka sii daraysa ee iska hor’imaadyada u dhaxeeya Xisbullah iyo Israa’iil iyo baqdinta ku xeeran in labada dhinac uu ka qarxo dagaal buuxa.

Qoraagu waxa uu leeyahay waxa yar tuulooyinka ka badbaaday iska ho’Imaadyada ee ku yaala Koonfurta Lubnaan, iyadoo xaafado dhan ay burbureen, waxa kale oo uu soo calaamadeeyay in deegaano u dhaxeeya magaalooyinka Marooxeyn iyo Xayfa oo ay dagan yihiin bulshooyin Israa’iiliyiin ah ay si maalinle ah ula kulmaan duqeyn ka imaanaysa dhinaca Xisbullah.

Haashim waxa uu intaa ku daray in siddeeddii bilood ee la soo dhaafay in inkabadan 150 kun oo qof ay isaga tageen tuulooyinka iyo magaalooyinka ku yaala xuduudda, sababo la xiriirra dagaalka socda oo galaaftay nolosha 400 oo qof dhinaca Lubnaan iyo 30 qof dhinaca Israa’iil.

Qoraagu waxa uu sheegay in xaaladda xuduudda ee sii xumaanaysa ee ka dhalatay madaafiicda iyo duqeynta ay is weydaarsanayaan ururka Xisbullaah iyo Iraa’iil ay xiisadda uga sii dartay beryihii dhawaa, waxana soo baxayay suurtagalnimada in iska hor’imaadku isu badalo dagaal buuxa, laakiin qoraagu waxa uu u arkaa in uusan dhici doonin dagaal buuxa.

Qoraagu waxa uu sharaxayaa in Xisbullah ay gashay iska hor’imaadkan kala dhexeeya Israa’iil kaddib weerarradii Xamaas ku qaaday Koonfurta Israa’iil todobadii Oktoobar, sanad kii la soo dhaafay. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu hoosta ka xariiqay in khilaafka xuduudda ee u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas u heerar kala duwan soo maray kahor inta aan meeshan la soo gaarin, tan iyo kooxihii shiicada ee hubeysnaa ee la oran jiray ‘’Islaamiyiinta wax iska caabinta’’ ee Koonfurta Lubnaan 1982-kii, kaddib markii xagaagaas ay qabsatay Israa’iil.

Haashim waxa uu intaa ku daray in dagaal kii ugu weynaa ee labada dhinac dhexmara uu ahaa kii 2006-dii, markii Xisbullah ay ka afduubatay labo askari oo Israa’iiliyiin ah deegaan ku yaala xuduudda, iyagoo uga gol lahaa in ay ku badashaan maxaabiista uga jirta xabsiyada Israa’iil. Israa’iil ayaa uga jawaab celisay afduubkaas dagaal burbur baahsan geystay bilihii July, August iyo September ee sanad kaas, iyagoo doonayay in ay ka takhalusaan Xisbullaah, kaas oo u ekaa dagaalka hadda Israa’iil ku hayso Xamaas.

Qoraagu waxa uu soo calaamadeeyay kala duwanaanshaha ka jira labada iska hor’imaad, Xisbullaah waxay leedahay hadda awood milatari oo ku filan taas oo ay dhiseysay toban kii sano ee la soo dhaafay, waxayna hadda ku tahay ‘’khatar istiraatijiyadeed’’ Israa’iil.

Sidaa si lamid ah sarkaal ka tirsan kooxda Qudus ee Iiraan oo kormeera Xisbullaah iyo kooxaha kale ee xiriirka la leh Iiraan ee Bariga Dhexe ayaa ‘’foreign Policy’’ u sheegay in Xisbullah ‘’leedahay hadda illaa kun milyan oo kantaal oo noocya kala duwan ah, kuwaas oo ay ku jiraan gantaalaha sida daran wax u burburiya, kuwa katuusha iyo kuwa lagula dagaalamo taangiyada’’.

Dagaal buuxa miyuu isu beddeli doonaa iska hor imaadkii dhex maray Xisbullah iyo Israa’iil? - BBC News Somali (2)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Kaydka hubka ee Xisbullah waxa kale oo ku jira diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo lagu fasameeyay gantaalaha Ruushku sanceeyo, iyo nooc Iiraan lagu farsameeyo oo lagu magacaabo ‘’Almas’’ kuwaas oo ay ku xiran yihiin kaamirooyin casri ah, una eg gantaalka Israa’iil ee la yiraahdo ‘’Spike’’. Qalabkan ayaa ciyaarta dhanka kale u rogi kara marka la eego aragtida qoraaga, maxaa yeelay dagaalyahannada Xisbullaah uma nuglaan doonaan weerarrada Israa’iil.

Qoraagu waxa uu adkeeyay in labada dhinac ay xadidayaan dagaalkooda, iyagoo ku soo koobaya bartilmaameedyo milatari, waxayna warbixinadooda maalinlaha ah ku sheegaan hawgallada milatari ee ay qaadeen, taasi oo muujinaysa in Xisbullaah iyo Israa’iil illaa hadda ay ka fogaanayaan in rayidka khasaare gaaro inta suurtagalka ah, waxayna xogaha sii marsiinayaan ciidamada Qaramada Midoobay ee jooga Lubnaan. Labadooduba habab kala duwan ayay dagaalka u isticmaalayaan, waxayna diiradda saarayaan yoolal istiraatijiyadeed inta meelo la kala qabsan lahaa.

Qoraaga waxa uu leeyahay hadafka Israa’iil waa in cadaadis lagu saaro Xisbullaah si daaha looga rogo goobaheeda istiraatiijiyadeed ama in ay dib uga gurtaan saldhigyada ay xuduudda ku leeyihiin, isagoo intaa ku daray in dagaal kii 2006-dii uu saameyn taban ku yeeshay Israa’iil, maxaa yeelay wuxu Xisbullaah u ogolaaday kaliya maaha kaydadkeeda hubka kordhintiisa ee waxa kale oo ay casharo ka qaadatay dagaalka si ay u casriyeyso awoodda ay ugu babac dhigi karto ciidamada Israa’iil.

Qoraagu waxa uu ku soo gabagabeeyay maqaalka isagoo muujinaya kaddib sideed bilood oo xiriirra oo iska hor’imaadyadu socdaan in ay caddahay in Xisbullaah iyo Israa’iil ogyihiin in dagaal kasta oo buuxa oo ay galaan in uu noqon doono mid burbur baahsan geysta. Xisbullaah waxay ogtahay in Lubnaan dumi doonto, iyadoo kumannaan qof uu khasaare soo gaarayo, sida Israa’iil u ogtahay wixii ka qabsaday Qasa bilihii la soo dhaafay, iyadoo wax yoolal ah oo buuxa aanay ka gaarin, taasi oo cadeynaysa in aanay waxba ka faa’’iidi doonin dagaal buuxa oo ay la gasho Xisbullaah.

Xisbullah oo weerarkii ugu cuslaa ku qaaday Israa'iil todobaadkan

Dagaal buuxa miyuu isu beddeli doonaa iska hor imaadkii dhex maray Xisbullah iyo Israa’iil? - BBC News Somali (3)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ururka Xisbullah ayaa gantaallo ku garaacay goobo ku yaalla waqooyiga Israa'iil, kuwaas oo gaaraya ilaa 150 gantaal, waana weerarkii ugu weynaa ee ururku ku qaado Israa'iil tan iyo markii uu billowday dagaalka u dhexeeya Israa'iil iyo Xamaas.

Ururka xisbullah ayaa wacad ku maray inuu sii kordhin doono howlgallada ka dhanka ah Israa’iil.

Xiisaddan ayaa timid maalin kadib markii ciidamada Israa'iil ay dileen hoggaamiyihii caanka ahaa ee Xisbullah kadib weerar dhanka cirka ah oo ka dhacay koonfurta Lubnaan.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in inta badan gantaalladaasi la qabtay, halka qaar ka mid ahna ay ku dhaceen gobollada waqooyi ee dalkaasi, taasoo sababtay in uu halkaasi dab ka kaco.

Isla markiiba, ciidamada Israa’iil waxay ku jawaabeen duqaymo dhowr ah oo ay ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan ururka Xisbullah.

Ururka Xisbullah ayaa sheegay in gantaalladooda ay la beegsadeen dhowr meelood oo ka tirsan dhulka Israa’iil, oo ay ku jiraan xarunta dhexe ee ciidanka woqooyiga ee saldhigga Ein Zeitim iyo warshad milateri oo ku taal Sasa'a.

War rasmi ah oo uu ururka soo saaray ayuu ku sheegay in weerarka uu jawaab u ahaa 4 ka mid ah xubnihiisa oo uu ku jiro taliye ciidan oo la dilay fiidnimadii Talaadada ee aynu ka soo gudubnay.

Habeenimadii Talaadada, ciidamada Israa'iil ayaa beegsaday guri ku yaal deegaanka Joya, oo ka tirsan degmada Tire, taasoo keentay in la dilo xubnaha xisbiga.

Saraakiisha Israa'iil ayaa sheegay in Arbacadii maanta lagu dilay xubno ka tirsan xisbiga weerar lagu bartilmaameedsaday xaruun ay ku sheegeen "xarunta taliska iyo maamulka" ee Xisbullah ee koonfurta Lubnaan.

TV-ga Al-Manar, oo xiriir la leh Xisbullah, ayaa ka soo xigtay Hashem Safi al-Din, madaxa golaha fulinta ee xisbiga, in xisbigu uu "kordhin doono xoogga, tirada iyo tayada" hawlgallada ka dhanka ah Israa'iil.

Dagaal buuxa miyuu isu beddeli doonaa iska hor imaadkii dhex maray Xisbullah iyo Israa’iil? - BBC News Somali (2024)
Top Articles
Latest Posts
Article information

Author: Margart Wisoky

Last Updated:

Views: 5821

Rating: 4.8 / 5 (58 voted)

Reviews: 89% of readers found this page helpful

Author information

Name: Margart Wisoky

Birthday: 1993-05-13

Address: 2113 Abernathy Knoll, New Tamerafurt, CT 66893-2169

Phone: +25815234346805

Job: Central Developer

Hobby: Machining, Pottery, Rafting, Cosplaying, Jogging, Taekwondo, Scouting

Introduction: My name is Margart Wisoky, I am a gorgeous, shiny, successful, beautiful, adventurous, excited, pleasant person who loves writing and wants to share my knowledge and understanding with you.